
Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).

Annagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.

Annagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.

Annagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.

kuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.

Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,

Wayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).

Waxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).

Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.

Waxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.

Eebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.

Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.

Waxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.

Waxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.

Waxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.

Quruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.

Waxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.

Waana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).

Waxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.

Haddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.