Showing 1-20 of 111 items.

waxa Nasahan (Ceeb ka fog) Eebaha ka guuriyey Addoonkiisa (Nabiga) Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Gaararkiisa inaan Tusinno Nabiga Aayaadkanaga Eebana waa maqle arka.

waxaana siinay Nabi Muuse kitaabkii (Tawreed) waxaana uga yeellay hanuun BaniiIsraa"iil inaydaan ka yeelanin wax iga soo hadhay Wakiil.

faricii kuwaan la xambaarnay Nabi Nuux, wuxuuna ahaa Addoon (Eebe) ee Shugri badan.

Waxaan ku (Ogaysiinnay) ugu Waxyoonay Banii Isra"iil Kitaabka (Tawreed) inaad fasaadinaysaan Dhulka Labo Jeer, isna kibrinaysaan iskibrin Wayn.

Markuu yimaaddo Yabooha (Watiga) midda hore waxaan idinku soo Bixinaa «Dirraa» Addoomadanada oo Xoog daran leh, dhexgalina (Hanan) Gurya dhexdooda waana Yabooh la fali.

Markaasaan idinku soo Celinaa Dawladnimada, idinkuna Xoogaynaa Xoolo iyo Caruur idinkana yeellaa kuwa Tiro badan.

Haddaad Samo Fashaan waxaad u samo fasheen Naftiinna, haddaad Xumaan fashaanna waa uun Naftiinna, markuu Yimaaddo Yabooha Dambana way Xumeeyaan Wajigiinna iyo inay Galaan Masaajidka (Baytul Maqdis) siday u galeen markii hore iyo inay Damiraan «Tirtiaan» waxay u Adkaadaan Tirtirid.

Waxay u dhawdahay in Eebihiin idiin Naxariisto, haddaad ku Noqotaanna waannu ku noqon, waxaana uga yeelnay Jahannamo Gaalada Gogol.

Quraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajir wayn.

Kuwaan Rumeynin Aakhirana waxaan y Darabnay Cadaab Daran.

Wuxuu u Yeedhaa (Baryaa) Dadku Shar siduu ugu Yeedho «Baryo» Khayrka, Dadkuna waa Deg dege.

Waxaan ka Yeellay Habeenka iyo Maalinta Labo Calaamo, waxaana Tirraa Calaamada Habeenka, waxaana ka Yeellaa Calaamada Maalinta mid wax Tusisa (Arag) inaad doontaan Fadliga Eebihiin iyo inaad ku ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta, wax kastana waxaannu u Caddeynay Caddayn (aada).

Ruux kasta waxaan Laasiminay Camalkiisa (loo Qaddaray) Luquntiisa, waxaana u soo bixinnaa Maalinta Qiyaame Kitaab uu la kulmi Isagoo fidsan.

Laguna Dhihi akhri Kitaabkaaga isagaa kuugu Filan Maanta Korkaaga Xisaabe.

Ruuxii Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa kii Dhumana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa, mana xambaarto Nafi Dambi Naf kale, mana Cadaabno intaan uga soo Dirro Rasuul.

Markaan doono inaan Halaagno Qaryad waxaan farraa kuweeda loo Nicmeeyey «Khayr» markaasay ka Faasiqoobaan waxaana ku sugnaada Ciqaab waana Tirtirraa Tirtirid (Halaag).

Imisaau Halaagnay Quruun (Nabi) Nuux ka dib Eebahaabaana ugu filan Dambiyada Addoomadiisa Ogaade Arka.

Ruuxi dooni Adduunyo waan ugu soo dedejinaa dhexdeeda waxaan Doonno Ciddaan doonno, markaasaan kayeellaa Jahannamo mid gala isagoo Caayan oo Dullaysan.

Ciddiise Doonta Aakhiro oo u fala camalkeedii isagoo Mu"mina kuwaas Camalkoodu wuxuu Noqon mid la Mahdiyo.

Dhammaan waxbaan uga Fidinaa kuwaas (Doona Adduun) iyo kuwaas (Doona aakhiro) siismada Eebahaa, mana aha siismada Eebahaa mid Reeban.